Masinna maal-maha Macbuudkuye waxa la joogaa 9/9/2022, waa dhammaadka maalin barakaysan oo Jimce ah,horeba waan u maqlay in Jimcuhu yahay maalin barakaysan, oo diinteenna suubban baaba inoo sheegtay, balse anigu maalinkan ayaan si dhab ah u xaqiiqsaday barakadaas Jimcaha, dhacdada dhacdey owgeed.
Amintu waa 4:49 pm guriga ayaan joogaa, waxaan ku jiraa qolkaygi ii gaarka ahaa, waxaan labada gacmood si aan digtooni badan lahayn ugu haystaa moobilkaygi muraayadda dil-dilaaca badan caanka ku ahaa, khadka ayaan dhawaanahaas furay, sida lagu yaqiin qof kasto dhalinyaro ah oo moobil uu sitay khadka u furay ayaa ay fariimo faro badan oo meelo kala duwan ka yimi igusoo qubanayaan, balse aniga muhiim iima aha fariimahaasi hal mid mooye, middaasi waata aan ka sugaayo qoftayda, haahey qoftayda, qoftii aan ula baxay magaca wayn, magacii ay aadka u jeclayd iyadu,magacii ay hinaasi jireen hablaha kale oo dhami marka ay maqlaan ama aan meel kusoo qoro, kaasoo ahaa (KAL-DEEQA).
Haa waa run oo iyadu way necbayd inaan ku dhaho oo ugu yeedho ereyga qofyey/qoftaydiyey, balse anigu kama dayn jirin oo markasta waan ku dhihi jirey, aniga oo doonaya inaan arko cadhadeedi yarayd ee iska keen keenka ahayd, cadhadeedi jacaylka xambaarsanayd, cadhadeedi qurxoonayd ee aanay marnaba igaga fogaan jirin ee intay inyar iga yar aamusto i odhan jirtay Gacaliye ereygaas waan dhibsadee iga dhaaf, anna aan sida qabaw u odhan jirey“haye Kal-deeqaay gacalo”.
Wax aan muddu khadka ku caajisaba,wax aan fariinteeda qurxoon sugaba, wax aan gogoshaan ku jiifay camaan jurreeyo oo aan barkinta beerka gashtaba, ugu danbay Kal-deeqi waa timid, sidii caadada u ahaydna waxay isla markiiba igusoo qubtay fariimaheeddi kalgacaylka cuddoon xambaarsanaa,fariimaheeddii dabacsanaa ee dareenka badnaa, kuwii halka mar shaashadda qalbigayga iyo ta moobilkaygaba wada iftiimin jirey.
GGGG