Masinna maal-maha Macbuudkuye waxa la joogaa 9/9/2022, waa dhammaadka maalin barakaysan oo Jimce ah,horeba waan u maqlay in Jimcuhu yahay maalin barakaysan, oo diinteenna suubban baaba inoo sheegtay, balse anigu maalinkan ayaan si dhab ah u xaqiiqsaday barakadaas Jimcaha, dhacdada dhacdey owgeed.
Amintu waa 4:49 pm guriga ayaan joogaa, waxaan ku jiraa qolkaygi ii gaarka ahaa, waxaan labada gacmood si aan digtooni badan lahayn ugu haystaa moobilkaygi muraayadda dil-dilaaca badan caanka ku ahaa, khadka ayaan dhawaanahaas furay, sida lagu yaqiin qof kasto dhalinyaro ah oo moobil uu sitay khadka u furay ayaa ay fariimo faro badan oo meelo kala duwan ka yimi igusoo qubanayaan, balse aniga muhiim iima aha fariimahaasi hal mid mooye, middaasi waata aan ka sugaayo qoftayda, haahey qoftayda, qoftii aan ula baxay magaca wayn, magacii ay aadka u jeclayd iyadu,magacii ay hinaasi jireen hablaha kale oo dhami marka ay maqlaan ama aan meel kusoo qoro, kaasoo ahaa (KAL-DEEQA).