Waa fiid, oo magaaladu way soo aamusaysaa, neecaw qabaw oo uu ka tagay roob inyar uun ka hor magaalada helay ayaa dhanka woqooyi kasoo galaysa daaqadda gaadhiga aannu saarannahay ee aan anigu wadaha ka ahay, Kal-deeqi kursiga igu xiga ayay fadhidaa, gaadhigu laamida ayuu saran yahay, waxaanan ku soconaynaa socod gaadhi oo aan dagdag lagu tilmaami Karin, iyada iyo qof kasta oo habeenkaas magaalada joogay ba dhaxan iyo qabaw ayuu ka cabanaayay, aniguse waan dhididayaa! Qof kasta oo habeenkaas i arkaa wuxuu ii maleynayay in roobkii caawadaa da’ay cidlo igu qabsaday qoyaan awgii, dhibic biyo ahi se aniga korkayga may taaban, waxa iga qoyanaana biyo ma ahayn, mooji! Oo aniguba haddaad I waydiiso hadeer ma garanaayo habeenkaas qabaw waxaan la dhididaayay, waxaan se kuu hubaa uun inaan habeenkaas ku jiray xaalad aan taydii ahayn.