Waxa aan tacsi ugu tagay Awowgay Cali Maxamed Yuusuf, oo ah Aabbaha dhalay, laba marxuum oo macallimiin dhalin-yaro ah ahaa kuwaas oo si aanay cidina filanayn, oo naxdin le shil gaadhi hal maalin ugu wada geeriyoodey.

Muddo dhowr casho ah ayaa geerida ka soo wareegtay, wali se awowgay waxaa korkiisa kasii muuqata, raad kii iyo xanuun kii geerida, wuu samray isagu, waxa uu samray samir ka badan, ka laga filan karo, nin laba boqolle oo uu dhalay, ay hal maalin, heddu u wada timi.
Samir ka iyo iimaan ka uu ku sugnaa, waxa laga dheehan karay, socod kiisa, fadhigiisa, iyo hadal kiisa intaba.
Dhiillada iyo xanuun ka ay geeridaasi ku reeb tayna waxa laga dheehan karay muuqiisa, iyo sida uu u jiidh go’ay.
Fikirka, murugada, xanuunka, iyo calool yowgu, waxa ay cunaan jidh-keenna iyaga oo aan inagala tashan, oo aan ina waydiin su’aasha ah, qaddar ka dhacay maku samirteen, mise waad gocanaysaan?
Aniga oo raba in aan itaal ka samir-siiyo Awowgay, oo aan ereyo samir-siis ah, qalbigiisa dhaawacan ku xoojiyo, ayaa waxa aan ku idhi, “Awow adeerayaal waa tageen, dhammaan teenna sidaas oo kale ayaynu u tagaynaa, qaar keen afar-afar u taga, qaar keen labo-labo u taga, iyo qaar keen hal-hal u tagaba, ee aynu samir no Awow, samir ayaa layna faree, Iyana aynu Ilaahay u waydiinno, in halkaas ay tageen uu khayr badan kula kulmiyo”.
Inta oo wuu fadhiyaye uu kor ii eegay ayuu igu yidhi “Awow nin wayn ayaan ahay, geeriyo badan oo naxdin le na waan u soo joogay, mid kasta oo naxdin li mar ka ay timaado waxa aan niyadda iska odhan jirey, malaa tan mid kaaga naxdin badani waligaa kusoo mari mayso, haddana mid kaloo ka naxdin badan ayuun baa iman jirtay, waynu samraynaa Awow, sabab too ah samir ku waa wadada kaliyee inoo furan!”
Waxa uu Awowgey si dadban ii gu sheegay, in uu nin wayn yahay, oo ay soo mareen geeriyo badan, oo xanuun lihi, tanna ay tahay tukale oo kuwii hore oo dhan kasii xanuun kulul, se aannu markan niyadda iyo afka toonna ka odhanayn, malaa tan mid ka xanuun kululi I soo mari mayso, maadaama oo uu aaminey, in adduun ka naxdintiisu, ay is daba-socod uun tahay, oo midiba ay mid uun ka danbeyso.
Marar ka qaar wakhtiga ayaa ina siiya oo ina bara iimaan ka ugu wayn.
Mowle how naxariisto labadaas marxuum, iyo dhammaan intii kale innaga tagtay, ehel iyo asxaabba, jannana kulan keenna labaad haka dhigo.
21/2/2024.
Hi, this is a comment.
To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
Commenter avatars come from Gravatar.