Skip to content
Nixfo Web.com
Menu
  • Caqiido
  • Fiqhi
  • Home
  • Siiro
  • SUUGAAN
  • TAFSIIR
  • التفسير
  • الرسائل والمقالات
  • الصفحة الرئيسية
Menu

HABEENKII CUDDOONAA!

Posted on December 26, 2024January 8, 2025 by faarahahmed08@gmail.com

                                

Masinna maal-maha Macbuudkuye waxa la joogaa 9/9/2022, waa dhammaadka maalin barakaysan oo Jimce ah,horeba waan u maqlay in Jimcuhu yahay maalin barakaysan, oo diinteenna suubban baaba inoo sheegtay, balse anigu maalinkan ayaan si dhab ah u xaqiiqsaday barakadaas Jimcaha, dhacdada dhacdey owgeed.

Amintu waa 4:49 pm guriga ayaan joogaa, waxaan ku jiraa qolkaygi ii gaarka ahaa, waxaan labada gacmood si aan digtooni badan lahayn ugu haystaa moobilkaygi muraayadda dil-dilaaca badan caanka ku ahaa, khadka ayaan dhawaanahaas furay,  sida lagu yaqiin qof kasto  dhalinyaro ah oo  moobil uu sitay khadka u furay ayaa ay fariimo faro badan oo meelo kala duwan ka yimi igusoo qubanayaan, balse aniga muhiim iima aha fariimahaasi hal mid mooye,  middaasi waata aan ka sugaayo qoftayda, haahey qoftayda, qoftii aan  ula baxay magaca wayn, magacii ay aadka u jeclayd iyadu,magacii ay hinaasi jireen hablaha kale oo dhami marka ay maqlaan ama aan meel kusoo qoro, kaasoo ahaa (KAL-DEEQA).

Haa waa run oo iyadu way necbayd inaan ku dhaho oo ugu yeedho ereyga qofyey/qoftaydiyey, balse anigu kama dayn jirin  oo markasta waan ku  dhihi jirey, aniga oo doonaya inaan arko cadhadeedi yarayd ee iska keen keenka ahayd, cadhadeedi jacaylka xambaarsanayd, cadhadeedi qurxoonayd ee  aanay marnaba  igaga fogaan jirin ee intay inyar iga yar aamusto i odhan jirtay Gacaliye ereygaas waan dhibsadee iga dhaaf, anna aan sida qabaw u odhan jirey“haye Kal-deeqaay gacalo”.

Wax aan muddu khadka ku caajisaba,wax aan fariinteeda qurxoon sugaba, wax aan gogoshaan ku jiifay camaan jurreeyo oo aan barkinta beerka gashtaba, ugu danbay Kal-deeqi waa timid, sidii caadada u ahaydna waxay isla markiiba igusoo qubtay fariimaheeddi kalgacaylka cuddoon xambaarsanaa,fariimaheeddii dabacsanaa ee dareenka badnaa, kuwii halka mar shaashadda qalbigayga iyo ta moobilkaygaba wada iftiimin jirey.

Qofta aan sidaas oo dhan isku tabayno ee iskugu boholyoobayno, wakhti xaadirkaas nagamuu dhaxayn wax xidhiidh daah-faydan ahi, waa run oo waan jeclaa iyada, si lamida amaba aan dhahee  si kasii mugwaynba iyadaa ii jeclayd, sidaasoo ay tahay midkaayana midka kale si cad ugumuu sheegan cudurka haya.

Waa fiid, oo magaaladu way soo aamusaysaa,  neecaw qabaw oo uu ka tagay roob  inyar uun ka hor magaalada helay ayaa dhanka woqooyi kasoo galaysa daaqadda gaadhiga aannu saarannahay ee aan anigu wadaha ka ahay, Kal-deeqi kursiga igu xiga ayay fadhidaa,  gaadhigu laamida ayuu saran yahay, waxaanan ku soconaynaa socod gaadhi oo aan dagdag lagu tilmaami Karin,  iyada iyo qof kasta oo habeenkaas magaalada joogay ba dhaxan iyo qabaw ayuu  ka cabanaayay, aniguse waan dhididayaa! Qof kasta oo habeenkaas i arkaa wuxuu ii maleynayay in roobkii caawadaa da’ay cidlo igu qabsaday qoyaan awgii, dhibic biyo ahi se aniga korkayga may taaban, waxa iga qoyanaana biyo ma ahayn, mooji! Oo aniguba haddaad  I waydiiso hadeer  ma garanaayo habeenkaas qabaw waxaan la dhididaayay, waxaan se kuu hubaa uun inaan  habeenkaas ku jiray  xaalad aan taydii ahayn.

Waan isla maqnahay oo waan fikirayaa, qofkasta oo I eega oo aan ii fiirsani wuxuu u malaynayaa inaan muraayadda gaadhiga ee iga horraysa eegayo, dhankeeda ayuun baan ujeedaa se ma eegayoo meel kalaan ku maqanahay, waxa ugu wayn ee aan ka fikirayaa waa waxii odhan lahaa hadhaw marka meeshii la tago

Qamar Suugaani

Dareen caashaq hees.

Post navigation

← MURUGIYO CALAACAL- SHEEKO
Tafsiirka Suuradda Al-Baqra →

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

POPULAR POSTS

  • التفسيرMay 6, 2025
  • الإستعانة بالكفار؛حكمها وأدلتهApril 19, 2025
  • GABAYJanuary 20, 2025
  • waayaha maantaJanuary 14, 2025
  • Tafsiirka Suuradda Al-QaaricaDecember 29, 2024

FOLLOW ME

CATEGORIES

  • Fiqi
  • Sheeko-Faneed
  • soomaali
  • Tafsiir
  • Uncategorized
  • Xadiis
  • الرسائل

ABOUT US

Sed ut perspiciatis unde omnis iste natus voluptatem fringilla tempor dignissim at, pretium et arcu. Sed ut perspiciatis unde omnis iste tempor dignissim at, pretium et arcu natus voluptatem fringilla.

  • Facebook
  • Instagram
  • YouTube
  • WhatsApp
  • Twitter

RECENT POSTS

  • التفسيرMay 6, 2025
  • الإستعانة بالكفار؛حكمها وأدلتهApril 19, 2025
  • GABAYJanuary 20, 2025
  • waayaha maantaJanuary 14, 2025

ASK ME

Name
Email
Message
The form has been submitted successfully!
There has been some error while submitting the form. Please verify all form fields again.

All Rights Are Reserved © 2025   |   Nixfo Web.com.