Skip to content
Nixfo Web.com
Menu
  • Caqiido
  • Fiqhi
  • Home
  • Siiro
  • SUUGAAN
  • TAFSIIR
  • التفسير
  • الرسائل والمقالات
  • الصفحة الرئيسية
Menu

GABAY

Posted on January 20, 2025January 20, 2025 by Nuux Ismaaciil
Faarax Nuur, “Arab”

Gabaygan wuxu Abwaanku tiriyey waagii Gaaladii Yurub ka soo gooshtay ay geyiga Soomalida qaybsanaysay. Wuxu Abwaankii Waddaniga ahaa ee Faarax Nuur (Ilaah ha u naxariistee) ku guubaabinayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan la aaminin Gaalka sidii uu Eebbe Inna faray. Wuxu abwaanku ku bilaabayaa in astaamihii Aakhiru-Samaanku ay ifafaalahoodii muuqdaan; Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go’day oo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
Oo aydnaan Ilaahay ka go’in hayna oodina’e
Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal Afkiisiiye
  
   
Copyright 2000 – 2002  HoygaSuugaanta.com

Post navigation

← waayaha maanta
الإستعانة بالكفار؛حكمها وأدلته →

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

POPULAR POSTS

  • التفسيرMay 6, 2025
  • الإستعانة بالكفار؛حكمها وأدلتهApril 19, 2025
  • GABAYJanuary 20, 2025
  • waayaha maantaJanuary 14, 2025
  • Tafsiirka Suuradda Al-QaaricaDecember 29, 2024

FOLLOW ME

CATEGORIES

  • Fiqi
  • Sheeko-Faneed
  • soomaali
  • Tafsiir
  • Uncategorized
  • Xadiis
  • الرسائل

ABOUT US

Sed ut perspiciatis unde omnis iste natus voluptatem fringilla tempor dignissim at, pretium et arcu. Sed ut perspiciatis unde omnis iste tempor dignissim at, pretium et arcu natus voluptatem fringilla.

  • Facebook
  • Instagram
  • YouTube
  • WhatsApp
  • Twitter

RECENT POSTS

  • التفسيرMay 6, 2025
  • الإستعانة بالكفار؛حكمها وأدلتهApril 19, 2025
  • GABAYJanuary 20, 2025
  • waayaha maantaJanuary 14, 2025

ASK ME

Name
Email
Message
The form has been submitted successfully!
There has been some error while submitting the form. Please verify all form fields again.

All Rights Are Reserved © 2025   |   Nixfo Web.com.